Sawirro: Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeerey Xarumo dowladeed (Muxuu ku soo arkay)

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar iyo Wasaaradda Qorshaynta iyo dhiirigelinta Maalgashiga.

Kormeerka oo ujeedkiisu ahaa sidii loo dardargelin lahaa habsami u socodka adeegga ay dowladdu u hayso bulshada Soomaaliyeed, ayuu warbixinno kaga dhageystay masuuliyiinta xarumaha uu kormeerey.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamed Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha kormeerkan, isaga oo la wadaagay hannaanka shaqo iyo houmarka ka socda Gobolka Banaadir.

Wasiirka Qorshaynta iyo dhiirigelinta Maalgashiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee xarunta Wasaaradda oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyey, iyadoo xiligaas ay ka soconayeen shaqooyinka maalin laha ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta iyo howl-wadeennada xarumaha uu booqday in la xoojiyo howlaha qaranka ay u hayaan, xiligaan uu dalku ku jiro doorashooyinka, si uusan gaabis ugu iman adeegyada ay bulshadu ka hesho. Isagoo ku bogaadiyey dadaallada ay dalka ugu adeegayaan masuuliyiinta xarumaha uu kormeerey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -