Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Maaliyadda oo guddoomiyay kulanka FGC

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka billaha ah ee guddiga maamul-wanaagga Maaliyadda ee magaciisa loo soo gaabiyo #FGC, oo ay ku mideysan yihiin Dowladda Federaalka  iyo Hey’adaha Dhaqaalaha Adduunka ee wada-shaqeynta la leh Dowladda.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray horumarka iyo sare u qaadidda dakhliga gudaha, xoojinta nidaamka Maamul-Wanaagga Maaliyadda, casriyeynta hannaanka iibka qaranka iyo xoojinta hufnaanta Maamulka Maaliyadda oo dhammantoodba la isla gartay in ay u socdaan habkii ugu wanaagsanaa iyo dhabbihii guusha.

Wasiirka Maaliyadda DFS Md Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha guddiga Maalul-Wanaagga Maaliyadda ayaa sheegay in Dowladdu ay ka go’an tahay ku dhaqmidda nidaam ay ku dheehan tahay daah-furnaan iyada oo la raacayo habka Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka.

Wasiirka ayaa  sidoo kale tilmaamay hannaanka isla xisaabtan ka iyo dowlad-Wanaaga in uu qeyb ka yahay kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya, isagoona xusay in horumar weyn laga gaaray kobcinta dhaqaalaha muddooyinkii ugu dambeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso Magacyada 16-Xildhibaan oo maanta lagu doortay magaalada Boosaaso

Cabdi Cade

Ciidamada amniga oo Muqdisho ku dilay nin hubeysan oo la socday Mooto Bajaaj

Caydiid Ali

Siyaasiyiinta ku kacsan Maamulka Puntland oo ku gacan seyray dalab ka yimid Deni

Caydiid Ali
Taboola Ads ---