Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga af-gembiga kula wareegay talada dalka Niger oo tallaabo cusub qaaday

Saraakiisha af-gembiga kula wareegay talada dalka Niger ayaa qaaday tallaabooyin cusub oo xukunka ku difaacanayaan, waxa ayna gabi ahaan xireen hawada dalkaasi si aan weerar loogu soo qaadin.

War kasoo baxay hoggaamiyaasha milatariga ayaa lagu sheegay in la xiray hawada dalka Niger ilaa ammar dambe, waxaana arrintan looga hortagayaa hanjabaad iyo faragalin milatari oo ka timid dalalka dariska la ah Niger.

Afhayeen u hadlay militariga la wareegay talada Niger ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida  ay diyaar u yihiin inay difaacaan dalka, waxa uuna digniin u diray dalal uu sheegay in faragelin ku hayaan dalka Niger.

Dalalka kuyaalla Galbeedka Afrika ee ku bahoobay Ecowas ayaa ugu baaqay milatariga Niger in xukunka dib ugu celiyaan madaxweyne Maxamed Bazoum, haddii kale ay qaadi doonaan tallaabooyin milatari.

Gen Abdourahmane Tchiani, oo ahaa taliyaha ilaalada madaxtooyada Niger ayaa abaabulay af-gembiga ka dhacay Niger, waxa uuna jeneraalkan ku dhawaaqay in uu yahay hoggaamiyaha cusub ee la wareegay talada dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Bannaan bax looga soo horjeeday Dilka Cabdullaahi Cali Hudeey oo la dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Shirkada Somtel oo soo bandhigtay Adeegyo cusub oo baahi badan loo qabay (Sawirro)

Cabdi Cade

Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyay Madaxtooyada Turkiga iyo Madaafiic loo riday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---