Xassan Shiikh oo War ka soo saaray dagaalka Maalintii labaad ka holcaya Guriceel

Madaxweynihii hore ee Somalia Xassan Shiikh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud iney joojiyaan dagaalka, khilaafka jirana ku dhameeyaan wadahadal.

War-saxaafadeed uu soo saaray Xassan Shiikh ayuu kaga hadlay arrimahan kaasoo u qornaa sidatan:-

BAAQ NABADEED

Xaaladda Galmudug

Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelada iyo qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday dagaalka Guraceel, dhaawacyadana waxaan u rajeynayaa bogsasho degdeg ah.

Waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo joojiyo dhiillada colaadeed ee taagan. Dagaalku ma xalliyo khilaafaadka siyaasadda ee waxa uu abuuraa kala fogaansho hor leh.

Odayaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, Haweenka dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada waa in ay qaataan kaalintooda ku aaddan deminta colaadda. Lama aqbali karo in dhiigga dhallinyaro Soomaaliyeed uu daadanayo, bulshada inteeda kalena daawato.

Kala aragti duwanaanshaha siyaasadda waa in lagu xalliyaa miiska wadahadalka, iyadoo la dhowrayo jiritaanka, sharciyadda iyo midnimada dowlad goboleedka Galamudug.

DHAMMAAD

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -