Allbanaadir.com
NEWS

Senatar Maraykan ah oo Israel ugu baaqay iney bam Nuclear ah ku dhufato Gaza

Senatar Lindsey Graham, oo ka tirsan xisbiga jamhuuriga Mareykanka ayaa sheegay Israa’iil inay xaq u leedahay in ay ku garaacdo Qasa hub nukliyeer ah, si ay dagaalka u soo afjarto.

Waxaa uu  xaaladda Qasa barbar dhigaya dagaalkii labaad ee adduunka,wuxuu sheegay  Mareykanka inuu ku dhuftay bam nukliyeer ah Hiroshima, isagoo uga dan leh in dagaalka la soo afjaro.

“Waqtigan waa inay Israa’iil sameyso wax walba, si dagaalka loo soo gabagabeeyo” ayuu intaas ku daray Senatar Lindsey Graham, oo ka tirsan xisbiga jamhuuriga Mareykanka.

Hadalka Senatorka ayaa waxaa si kulul u cambaareeyey xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamanka m Mareykanka oo ku tilmaamay mid ay ka muuqato masuuliyad daro.

Wasiir ka tirsan kuwa midigta fog ee Israel ayaa horey u soo jeediyey sidan oo kale in bam nuclear ah lagu garaaco Gaza, lana baabbi’iyo dhamaan dadka ku nool oo uu sheegay iney ka kooban yihiin Xamaas iyo kuwa taageersan.

Related posts

Dil si weyn looga carooday oo ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Nabadoon caan ah oo lagu dilay Muqdisho iyo Al Shabaab oo War kasoo saartay

Cabdi Cade

Ciidanka Haramcad oo Muqdisho ka bilaabay arrin dhibaato hor leh abuuri karta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---