Maxay ka wada hadleen RW Rooble iyo danjire Max’ed Cabdi Afey? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee hay’adda UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika Danjire Max’ed Cabdi Afey.

Rooble iyo Danjire  Maxamed Cabdi Afey ayaa ka wada hadlay xaaladaha bani’aadnimo ee dalka iyo sidii loo gargaari lahaa dadka ku nool deegaannada ay  abaaruhu saameeyeen.

Kulankan ayaa daba socda baaq uu Ra’iisal wasaaraha u diray hay’adaha gargaarka iyo beesha caalamkan oo ku aadan in ay deg deg ugu gurmadaan dadka abaaruhu aafeeyeen ee ku nool Jubaland iyo deegaanno kale oo dalka ah.

Danjire Max’ed Cabdi Afey ayaa sheegay in hay’adda UNHCR ay waddo qiimeyn ku saabsan degaanada ay abaaruhu saameeyeen, ayna ku dedaalayaan iney gargaar gaarsiiyaan.

Qeybo ka mid ah gobolada Koonfurta iyo bartamaha Somalia waxaa ka jira abaaro adag oo saameeyey dadka iyo duunyada, mana jirto ilaa hadda cid wax la taaban karo ka qabatay dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -