Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Abuu Mansuur oo shir muhiim ah uga qeyb galay Sacuudiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ,ayaa maanta magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga uga qeyb galay shir looga hadlay fududeenta adeegyada Xajka.

Shirkaan uu guddoominayey Wasiirka Xajka iyo Cimrada Boqortooyada Sacuudiga Dr Towfiiq Al-Rabiic waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada Arrimaha Diinta ee dalalka Islaamka, inta uu socday shirka waxaa looga dooday qaabka ugu sahlan ee loo fududeen karo adeegyada Xajka, sida Caafimaad, Warbaahinta iyo kor u qaadida wacyigalinta Xujayda.

Wasiirrada Arrimaha Diinta ee dalalka Islaamka, ayaa si weyn uga mahadceliyay Sacuudiga sida ay u fududeeyaan gudashada waajibaadka Xajka, waxa ayna codsadeen in xujeyda dalalkooda ka socda loo fududeeyo waxyaabaha muhiimka ah ay u baahan yihiin.

Dowladda Sacuudiga ayaa balan qaaday inay fududeen doonaan adeegyada Xujayda inta ay ku jiraan acmaasha Xajka. Waxaana sannadkan xajinaya dad aad u tiro badan oo ka kala yimid guud ahaan caalamka, kuwaa oo nasiib u yeeshay in sannadkan gutaan acmaasha Xajka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com.

Related posts

Aadan Madoobe & wafdi uu horkacayo oo dalka ka dhoofay

Caydiid Ali

Tartanka Ciyaaraha dowlad goboleedyada oo galabta lagu soo gebagebeynayo Muqdisho

Caydiid Ali

Xassan Shiikh oo kulan xasaasi ah la qaatay saraakiisha taliska Booliska DF (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---