Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiil katirsan Ahlu Sunna oo la qabtay iyaga oo dhaawac ah xili loo waday Gaalkacyo

Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa gacanta ku dhigey Dhaawacyada saraakiil katirsan ciidamada kooxda Ahlu Sunna oo ku dhaawacmay dagaalka ka socda Guriceel.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dhaawacyada saraakiishan la qabtay si qarsoodi ah loogu sii waday magaalada Gaalkacyo si halkaasi loogu daweeyo dhaawacyadooda .

Saraakiishan dhaawaca ah ee la qabtay ayaa la sheegay in ay hogaaminayeen Ciidamada Ahlu Sunna ee ka dagaalamaya Guriceel , waxaana magacyadooda lagu sheegay Cali Xade, Cali Faarax iyo Maxamuud tashade.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dhaawacyada saraakiishan katirsan Ahlu Sunna ee la qabtay in loo gudbiyay Isbitaalka magaalada Dhuusomareeb halkaas oo lagu ilaalinayo.

Ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug ayaa horey dagaalka Guriceel ugu qabtay saraakiil iyo ciidamo u dagaalamayay Ahlu Sunna kuwaa oo iyana loo qaaday Dhinaca magaalada Dhuusomareeb.

 

Related posts

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo maanta ku soo wajahan Muqdisho

Caydiid Ali

Qaraxyo saakay aroor hore ka dhacay Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Roobabkii xiliga Gu’ga oo ka curtay degaano ka tirsan dhulka Soomaalida

Caydiid Ali
Taboola Ads ---