Lix qof ayaa ku dhaawacantay magaalada Boulder ee gobolka Colorado ee dalka Maraykanka, kaddib markii dab la qabadsiiyay dad bannaanbax ka dhigayay halkaasi.
Dadka dabka lagu weeraray, ayaa qabanayay dibadbax ay kaga soo horjeedaan lahaystayaasha Israa’iil ee ku xiran magaalada Qasa, kuwaa oo gacanta ugu jira kooxda Xamaas.
FBI-da Maraykanka ayaa falkan ku tilmaantay mid argagixiso noqon kara. Dhacdadan ayaa lagu eedeeyay nin magiciisa lagu sheegay Maxamed Sabry Soliman oo 45 jir ah oo u dhashay dalka Masar, kaasi oo dal-ku-galkiisu uu dhacay 2023-kii sida ay ku warrantay warbaahinta CBS .
Muuqaal la soo bandhigay ayaa muujinaya dad isku dayaya inay caawiyaan kuwa dhaawacmay, dabka ninka Masaarida ah ku weeraray, waxaana goobta deg deg ku gaaray laama amniga.
Wasiirka arrimaha dibadda ee  maamulka Israa’iil, ayaa ku tilmaamay dhacdadan “Weerar Argagixiso oo nacayb ah oo la la beegsaday dadka Yuhuudda.