Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo War kasoo saartay duqeyn diyaaradeed oo Mareykanka fuliyay

War-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in iyaga oo kaashanaya  taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) la fuliyay laba duqeyn oo cirka ah oo lagu beegsaday kooxda argagaxisada ah ee ISIS-Somalia.

Duqeyntii ugu horreysay waxay dhacday 31-kii May 2025,  waxa ayna ka dhacday meel qiyaastii 75km koonfur kaga beegan magaalada Boosaaso, halka duqeyntii labaadna ay dhacday 1-da Juun 2025, meel qiyaastii 72km koonfur kaga beegan isla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Howlgalkan ayey dowladda sheegtay in ay qayb ka tahay dadaallada wadajirka ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxda  ISIS-Somalia ee ku aaddan qorsheynta iyo fulinta weerarada argagixiso ee khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed, ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com.

Related posts

Madaxweyne Putin oo qaaday talaabo walaac cusub ku abuurtay Ukraine

Caydiid Ali

Turkiga oo arrin xasaasi ah ka taageeraya dowlada Somalia

Caydiid Ali

Dagaal culus oo baraha bulshada ku dhexmaraya dad taageersan Mooshinka & kuwo diidan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---