Allbanaadir.com
NEWS

Sidee u dhacay weerarkii lagu qarxiyay saldhigyada istaraatiijiga ah ee Ruushka ?

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa waxyar ka hor sheegay inay Ukraine xaqiijisay dhacdadii ugu sarreysay oo taariikhda oo dhan ay xusi doonta, kaddib markii Ukraine ay horraantii maanta fulisay weerarkii ugu sarreeyay oo ka dhacay saldhigyada istaraatijiga ah ee Ruushka, kaliya weerarka loogama tagayo inuu qeyb ka yahay dagaal saddexdo sanno socday, balse waa weerar khasaarihii u sarreeyay ee dagaalkii labaad ee adduunka kaddib lagu gaarsiinayo saldhigyada milatari ee Ruushka!Waxa taariikh Ukraine ay sheegan doonto ka dhigaya, waa in sirdoonka Ukraine uu ku guuleystay weerar loo adeegsado diyaaraddo aan duuliyaha lahayn oo gudaha Ruushka la geliyay, ka hor inta aan maanta lagu weerarrin saldhigyada milatari ee Ruushka oo ay yaaleen diyaaradaha xambaara nukliyeerka iyo kuwa fuliya howlgallada sirdoon.

Sidee Ukraine u diyaarisay weerar awoodaa leh?

Weerarkan waa mid ka mid ah howlgalada ugu adag uguna xeeladaysan taariikhda dagaalka Ukraine iyo Ruushka tan iyo markii dagaalku billowday Febraayo 2022. Ma ahan tallaabo si kedis ah loo qaaday, balse waxaa laga shaqeynayay muddo hal sanno iyo lix bilood ah, sida uu caawa shaaca ka qaaday madaxweynaha Ukraine.

Ukraine waxay u baahneyd inay hesho xog faahfaahsan oo ku saabsan saldhigyadii muhiimka ahaa ee Ruushka, oo qaarkood ku yaalla gobolka Siberia, oo in ka badan 4000 km u jira xadduuda uu Ruushka la wadaago Ukraine. In la fuliyo weerar masaafadaa u jira Ukraine, waxay u baahnayd xog sirdoon oo gudaha iyo dibadda laga soo aruuriyo. Howlgalka waxaa ka qeyb qaatay diyaarado casri ah oo si qarsoodi ah loo geliyay gudaha Ruushka, iyadoo la adeegsanayo saqafka hoose ee gaadiidka guryaha gur-guura, dabcan Ruushiyaan aan laga shakin karin ayaa ka qeybqaatay howlgalka oo gaadiidkan lagu qariyay diyaaradahan ku dhaweeyay saldhigyada la weerarray. Inta uu weerarka socday, sidoo kale waxaa cad in sirdoonka Ukraine ay tababbareen wakiillo sirdoon oo ka qeybqaatay fulinta weerarka, halka ciidanka milatariga Ukraine ay muddadaa isku diyaariyeen tababbaro gaar ah oo la xiriira howlgallada meelaha fog fog ka dhacaya, muddada diyaar garowga, waxaa suragal ah inay Ukraine helaysay taageerrada farsamo iyo tababbar ee gacmo shisheeye, wallow madaxweynaha Ukraine uu ku andacooday in weerarka diyaarintiisa iyo fulinta uu ku koobnaa Ukraine, balse waa in sirdoonka Ruushka uu tan xaqiijiya, waana wax u baahan inan maalmaha u deyno..!

Goobaha la beegsaday iyo baaxadda weerarka
Ukraine waxay bartilmaameedsatay afar saldhig oo muhiim ah oo diyaaradeed oo ku yaalla gudaha Ruushka, kuwaas oo kala fog:

Saldhigyada la weerarray

1. Saldhigga milatari ee istaarijiga ah ee Biolaya Air Basem oo ku yaalla Irkutsk, Siberia oo 4500 km, u jira xadka Ukraine , kaasoo ay adeegsadaan diyaaradaha xambaara nukliyeerka iyo gantaallada riddada dheer oo ay weheliyaan diyaaradaha sahanka, oo kala ah; Tu-95 iyo Tu-22M3, A-50.

2. Saldhigga Olenya Air Base, oo ku yaal Mormansk, Cirifka Arctic , wuxuu in ka badan 2000 km u jira xadka Ukraine, waana saldhig istaariji ah oo ay yaallan nidaamyada hubka nukliyeerka, diyaaradaha istaarijiga ah iyo agab kale oo milatari.

3. Saldhigga Ivanovo Air Base , wuxuu ku yaalla Ivanovo, Ruushka oo 800 km u jirta xadka Ukraine,waa saldhig ay adeegsadaan diyaaradaha sahanka iyo gaadiid kale oo milatari.

4. Saldhigga Diaghilevo Air Base oo ku yaal Ryazan, Galbeedka Ruushka, wuxuu 520 km u jira xadka Ukraine, waa saldhig tababbar oo ay adeegsadaan ciidanka cirka Ruushka oo ku hubaysan diyaaradaha nukliyeerka xambaara iyo gantaallada riddada dheer, waxaana yaalay xilliga uu weerarka dhacay dhowr diyaaradood oo kuwa bambooyinka istaarijiga ah xambaara.

Macluumaadka khasaaraha weerarka uu dhaliyay ;

Ukraine waxay shaacisay in weerarku uu ahaa mid istiraatiji ah oo lagu bartilmaameedsaday in ka badan 40 diyaaradood oo diyaarado istiraatiji ah oo Ruushku adeegsado, kuwaasoo ka qeybqaadan jiray weerarrada duqeymaha fog fog ee Ruushka uu ka geysto gudaha dhulka Ukraine, iyadoo lagu sheegay warbixinta hay’adda sirdoonka Ukraine, inta weerarka uu socday in la qarxiyay diyaaraddo ay ku jiraan; Tu-95 iyo Tu-22M3 oo ah kuwa qaada hubka nukliyeerka iyo diyaarado A-50 oo loo adeegsado sirdoonka cirka.Ukraine waxay sheegtay in diyaarado badan la burburiyay, iyadoo khasaaraha Ruushka weerarka ka soo gaaray ay ku sheegeen in ka badan 2 bilyan oo doollar.

Muxuu Ruushka ka sheegay weerarkan?

Ruushka wuxuu weerarkan ku tilmaamay “fal argagixiso” iyo “dagaal toos oo ka dhan ah ammaanka Ruushka,iyadoo wasaaradda difaaca Ruushka ay sheegtay in dab damisyada iyo ciidamada ammaanku ay si dhaqso ah uga jawaabeen weerarka, isla markaana ay xakameeyeen dabka ka kacay qaar ka mid ah saldhigyadii. Qaar ka mid ah warbaahinta Ruushka ayaa xaqiijisay in qaar ka mid ah diyaaradaha la burburiyay, balse khasaaraha saxda ah lama shaacin si rasmi ah.

Fadeexadda Sirdoonka Ruushka ee FSB & GRU

Sirdoonka Ruushka (FSB iyo GRU) waxay ahaayeen kuwa loogu yeero “ilaalada gudaha ee aan la jebin karin,” balse weerarkan ayaa muujiyay in:

In sirdoon shisheeye uu awooddo inuu weerarro ku diyaariyo gudaha Ruushka, isla markaana lagu qaado saldhigyo muhiim ah oo istaariji ah oo hanti badan ay taallay.

Sirdoonka Ruushku, wuxuu ku guul-darraystay inuu aqoonsan waayay , diyaarinta weerar la qorsheynayay muddo ka badan sannad iyo in gaadiid ka yimid meel ka baxsan dhulka Ruushka, lagu soo qariyay hub halis ku ah xasilloonida Ruusha, oo xataa lagu dili karay Putin,iyadoo masaafo 4500 km ah gaadiidka siday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine weerarka ay fulisay ay ku dhex socdeen dhulka Ruushka.
Weerarka Ukraine, wuxuu soo muujiyay habacsanaanta sirdoonka iyo hay’adaha ammaanka ee aan awoodin iany ka hortagaan khatar weyn oo ku dhex socota gudaha dhulka Ruushka.

Weerarka wuxuu dhalinaya kalsooni darro wajahaysa nidaamyada difaaca Ruushka!

Weerarka , wuxuu dhacay iyadoo ay Ruushka ku yaallaan tobannaan xarumood oo difaaca cirka ah (air defense systems) iyo nidaamyada radaarada casriga ah, intaaba ma aysan awoodin inay weerarkan ka hortagaan, taa oo muujinaysa in:

Nidaamyada amniga gudaha ay si weyn u liitaan.

Saldhigyada istaraatijiga ah ee Ruushka inan si dhab ah loo ilaalin.

Jiritaanka suurtagalnimada in la iibsaday daacadnimada sirdoonka Ruushka ama ama la marin habaabiyay.

Fadeexadda tiknoolajiyada Ruushka;

In ka beegsado saldhigyo istaariji ah oo ay yaalan diyaaradaha diyaarado Tu-95, Tu-22M3 iyo A-50 – oo ka mid ah qalabka ugu xasaasisan ee Ruushku leeyahay – waxay ahayd hoos u dhac weyn oo ay la kulmayaan nidaamyada tiknoolajiyada Ruushka, taa oo wax gaarsiinaysa saameynta Ruushka uu ku lahaa caalamka ee dhinacyada difaaca iyo tiknoolajiyada.

In la gaaray oo la burburiyay bakhaaro iyo goobo ay yaalan qalabka yar A-50 oo ah qalab sirdoon oo aad u yar, waxay dhalinaysa niyad-jab milatari oo Ruushka gaaraya.

Diyaaradaha Tu-95 waa laf-dhabarka howlgallada nukliyeerka ee Ruushka uu fulin karo; nooc kasta oo khasaare ama burburay gaaray, waxay muujinaysa in Ruushka uusan awoodin ilaalinta hubkiisa istaraatijiga ah.

Fashilka Istiraatijiga Amni:

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarka fuliyay, ayaa laga duuliyay gudaha Ruushka– taas micnaheedu waa in Ukraine ay leedahay shabakad gudaha ah oo fulin kara howlgal istiraatiji ah.

Sida lagu sheegay warbixinnada hordhaca ah; Ukraine waxay adeegsatay gaadiidka u sameysan sida guryaha (mobile houses) oo saqafkooda hoose lagu qariyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo nidaamyada loo adeegsatay weerarkan, tani waxay la macno tahay sirdoonka Ukraine waxay heystaan khariirad sirdoon oo muujinaysa saldhigyada istaraatijiga ah ee Ruushka. Waa fashil buuxa oo ku yimid nidaamyadii kormeerka, raadraaca iyo barista ee weerarrada gudaha laga abaabulayo.

Waji gabax siyaasadeed oo gudaha iyo dibadda ah:

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, wuxuu si weyn u dhaleeceeyay weerarkii 2022 ee Kyiv in uu ahaa “digniin amni oo aan la iska indha tiri karin.” Haddase, Ruushka ayaa saldhigyadiisii ugu fogaa lagu dhex burburiyay.

Waxaa sare u kacaya;

Cadaadiska gudaha ee shacabka iyo siyaasiyiinta xagjirka ah oo dalbanaya jawaab adag ama iscasilaad.

Shaki caalami ah oo ku saabsan awoodda difaaceed ee Ruushka, gaar ahaan haddii uu weerar weyn la kulmo, sida dagaal weyn oo NATO ah.

Weerarkani wuxuu noqon doonaa tusaale taariikhi ah oo lagu dhigo dugsiyada sirdoonka ee caalamka, isagoo muujinaya:

Sida hay’adaha sirdoonka u lumin karaan feejignaantooda.

Sida dagaalka casriga ah uu u beddelay qawaaniintii amniga qaranka ee hore iyo sida hal weerar oo istiraatiji ah uu u kala daadin karo nidaam dhan oo difaac gudaha ah.

Ruushka hadda wuxuu wajahaa cadaadis saddex-geesood ah:

Mid millatari – difaaciisa oo la jebiyay.

Mid sirdoon – shabakad gudaha ah oo taag daran.

Mid siyaasadeed – fadeexad caalami ah oo hoos u dhigeysa sumcaddiisa awoodeed.

Fallanqeyn kooban oo qoto-dheer

Weerarkan waa tusaale cad oo muujinaya sida dagaalka Ukraine iyo Ruushka uu isu beddelay dagaal casri ah oo sirdoon iyo farsamo ku dhisan, isla markaana aan kaliya ku koobnayn dagaalka dhulka.Tani waxay sidoo kale muujineysaa in Ukraine ay awooday inay jebiso xariiqyada gudaha ee difaaca Ruushka, iyadoo ka faa’iideysatay tababar, tiknoolaji iyo sirdoon heer sare ah.Saameynta dhaqaalaha ee ka dhalatay khasaaraha qalabka Ruushka waa mid aad u culus, taas oo sii daciifin karta awooda milatari ee Moscow mustaqbalka dhow.

Weerarkan wuxuu dhiirrigelin u noqon karaa Ukraine inay sii waddo dagaalka, isla markaana wuxuu abuuri karaa cadaadis cusub oo dhinaca siyaasadda ah oo lagu qasbo Ruushka inay si dhab ah uga qaybqaadato wadahadalada nabadeed.

Dhanka kale, Ruushka waxay ku khasbanaan doontaa inay kordhiso dadaallada difaaca gudaha, taasoo kharash badan ku soo kordhin karta, waxayna suuragal tahay inay kordhiso weerarada si ay uu uga jawaabo, taas oo khatar ku noqon karta guud ahaan ammaanka gobolka.

Weerarkan waa barta cusub ee dagaalka Ukraine iyo Ruushka, kaasoo laga yaabo inuu saameyn weyn ku yeesho mustaqbalka colaadda iyo wadahadallada nabadeed ee gobolka, isagoo lagu soo aadiyay xilli Isniinta berri ah lagu ballanqana wada-hadallo u dhaxeeya Ukraine iyo Ruushka inay ka furmaan Istanbul.

Fiiro gaar ah;

Macluumaad dheerad ah oo weerarkan la xiriira oo diiradda saaraya habka sirdoon ee loo diyaariyay, doorka Mareykanka iyo NATO, waxa laga filayo Ruushka, haddii rabbi idmo warbixinnadeena dambe ayaad ka heli doontaan..!

W/Q Iman Jamac

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com.

Related posts

(Sawirro) RW Rooble oo Magaalada Baydhabo ka bilaabay kulamo wada-tashi ah

Caydiid Ali

(Sawirro) Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Gaalkacyo oo Muqdisho la keenay

Caydiid Ali

Magacyada iyo Sawiradda Saraakiishii galabta lagu laayey duleedka degmada Guriceel

Caydiid Ali
Taboola Ads ---