Axmed Madoobe oo la kulmay afartii xubnood ee lagu doortay Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa aqalka martida ku qaabilay xubnaha Cusub ee maanta loo doortay Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS  kuwaasoo ah xubnahii ugu danbeeyay ee laga sugayay Dowlada Jubaland kuwaasoo kala ah:

  1. Xasan Daahir Yarow
  2. Ibraahim Aw-gaab
  3. Laylo Nuur Maax
  4. Maryan Faarax Kaahiye

Axmed Madoobe ayaa xubnahan ku booriyay inay si Wanaagsan oo danta dalka iyo dadka ku jirto ay u gutaan waajibaadka maanta loo doortay isla markana sida ugu wanaagsan ay u matalaan Dowlada Jubaland.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in dhowaan la bilaabi doono doorashadii xubnaha Golaha shacabka, loona baahan yahay in loo diyaar garoobo.

52 ka mid ah 54 xubnood ee golaha aqalka sare ayaa la doortay, waxaana haray doorashada labo kursi oo ku dhiman dowlad goboleedka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -