Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Puntland oo soo bandhigay Waxyaabo qarxa oo laga soo qabtay Boosaaso (Daawo Sawirro)

Saraakiisha Ciidamada amaanka Maamulka Puntland ee Magaalada Boosaaso ayaa soo bandhigay hub ay ku soo qabteen howlgalo  ay ka fuliyeen xaafadaha Magaalada Boosaaso.

Hubka la soo qabtay ayaa isugu jiray Bambooyinka gacanta laga tuuro ee loo yaqaano F-1  iyo xabadaha loo isticmaalo hoobiyaha

Taliye ku xigeenka qeybta Booliska Gobolka Bari Axmed Jaraale oo saxaafadda qeybteed Boosaaso kula hadlay ayaa sheegay in howlgalada ay sameeyeen sidoo kale ku soo qabteen dad badan oo uu xusay in baaritaano ku socdaan lana tuhunsan yahay qaarkood.

Axmed Jaraale ayaa u mahad celiyey shacabka magaalada Boosaaso oo uu sheegay inay ka qeyb qaateen howlgalkii lagu soo qabtay hubkaasi.

Magaalada Boosaaso aya waxaa ka dhaca qaraxyo iyo dilal loo geysto ciidamada amaanka maamulka Puntland, waxaana masuuliyadooda sheegta inta badan Al-shabaab iyo koox daacish ka tirsan oo fariisimo ku leh dhulka buuraleyda ah ee hareeraha ka xiga Boosaaso.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaramada Midoobay oo maalin gaar ah u asteesay la dagaalanka Islaam naceybka

Cabdi Cade

Saciid Ciise: “Fahad kama tanaasulin aragtidiisa xagjirnimada ku saleysan”

Caydiid Ali

Kenya oo Turkiga u gacan gelisay afar qof oo Turkish ah iyo walaac laga muujiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---