Rooble oo ku biiray kulamadii u socday Farmaajo, Wasiirka amniga & taliyaha KMG ee NISA

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhow ku biiray wada hadalo xarunta Madaxtooyada uga socday Madaxweyne Farmaajo, Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur iyo Agaasimihii KMG ahaa ee NISA Yaasiin Farey sida ay allbanaadir u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wadahadalkan ayaa waxaa garwadeen kaah Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Laftagareen iyo xubno kale.

Kulankan ayaa daba socda kulan kale oo xalay dhexmaray Farmaajo iyo Rooble kaasoo saacado badan qaatay, loogana hadlay khilaafka ragaadiyey madaxda DF ee ka dhashay Kiiska Ikraan Tahliil.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in kulankii xalay iyo kan hadda socdaba is faham lagu gaaray, inkastoo aan faahfaahin badan laga heynin waxaana la sheegayaa iney suuragal tahay in illaa caawa ay soo baxdo natiijo lagu soo afjarayo khilaafka daba dheeraaday ee madaxda dowlada.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -