Cumar Filish oo isaga oo ilaalo badan wata kormeeray xarunta Gobolka (Daawo Sawirada)

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa kormeeray Xafiisyada kala duwan ee ay ku shaqeeyaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda hoose ee Xamar.

Cumar Filish ayaa xarunta gobolka Banaadir la tagay ciidamo badan oo amaankiisa sugayay, ciidamada uu watay Duqa Muqdisho oo qaarkood afka u duubnaayeen ayaa gudaha u galayay xafiisyada xarunta gobolka uu booqanayay .

Ujeedka kormeerka Guddoomiyaha ayaa ahaa mid uu ugu kuur galayey amaanka xarunta iyo qaabka ay u shaqeeyaan saraakiisha xafiisyada , wuxuuna ammaanay  hannaanka shaqo ee qeybaha kala duwan ee kormeerka uu ku sameeyey.

Guddoomiyaha cusub ayaa warbixino la xiriirta howlmaalmeedka ay Bulshada u hayaan ka dhageystay maamulka waaxihii uu la kulmay, isagoo kula dar-daarmay in lasii xoojiyo adeegyada shacabka loo hayo.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan Maanta soo booqday xarumaha kala duwan ee D/hoose iyo Maamulka Gobolka banaadir oo igu soo dhaweeyeen maamulka iyo shaqaalaha, waxaana rajeynayaa in dhowaan aan guda geli doono shaqooyinka muhiimka ah ee ina horyaalla”ayuu yiri, Guddoomiyuhu.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane; Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa waxaa kormeerka ku weheliyey Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka iyo Xoghayaha Gobolka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -