Soomaali 25 jir ah oo lagu soo oogay dacwada dilka Xildhibaan David Amess

Cali Xarbi Cali oo ah 25 jir Somali-British ah ayaa si rasmi ah loogu soo oogay dacwad ah inuu toorey ku dilay xildhibaan David Amess oo ka tirsanaa baarlamanka UK.

Cali oo Jimcihii tagtay lagu xiray isla goobta uu dilku ka dhacay ee magaalada Leigh-on-Sea ee bariga London, ayaa sidoo kale wajahaya dacwad labaad oo ah diyaarinta ficil argagixisanimo.

Waxaa lagu waday inuu maanta kasoo hor muuqdo Maxkamad ku taalla bartamaha London sida ay sheegtay Xeer-ilaalinta Boqortooyada iyo booliska UK.

Xildhibaan Amess, oo ahaa 69 jir dhalay shan caruur ah, ayaa la dilay isaga oo kulan la lahaa dadka soo doortay, wuxuuna noqday xildhibaankii labaad ee British ah ee la dilo shan sano gudahood.

Xildhibaan Jo Cox oo ka tirsaneyd xisbiga Labour-ka ayaa sidoo kale la dilay ayada oo la kulmeysa dadka soo doortay, ka hor aftidii Brexit ee June 2016.

Nice Price oo ah madaxda qeybta dambiyada iyo ka hor-tagga argagixisanimada ee Adeegga Xeer-ilaalinta Boqortooyada ayaa sheegay in qareenada ay gudbin doonaan in dilkii Amess uu xiriir la lahaa aragixisanimo, gaar ahaana ay dhiiri-geliyeen arrimo diimeed iyo kuwa fikir. ayna hayaan cadeymo buuxa oo arrintaas tilmaamaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -