Allbanaadir.com
NEWS

Xasan Daahir Yarow oo goordhaw loo doortay Senator katirsan Aqalka Sare

Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ka bilaabatay doorashada afar Senator oo kamid noqonaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa u doortay Senator kamid noqonaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Xasan Daahir Yarow oo helay 59-cod halka Musharaxii la tartamayay Cabdi Xuseen Cali isna helay 13-cod,

Waxaa wali ka socota magaalada Kismaayo doorashada xubnaha kale ee haray, waxaana la filayaa in goordhaw sidoo kale doortaan Xildhibaanada Jubbaland sadexda Senator kale ee u harsan Jubbaland.

Senatarada Aqalka Sare ayaa marka maanta losoo gaba gabeeyo doorashada ka socota Kismaayo waxaa hari doona kaliya labo Senator oo ku harsan maamulka Galmudug oo iyana la filayo in doorashadiisa dhawaan ka dhacdo Dhuusomareeb.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/Kbeh9LTa6Xg

Related posts

Ra’isul Wasaare Kheyre oo si deg deg ah ku magacaabay Wasiirka howlaha Guud iyo Dib u dhiska

Cabdi Cade

Ra’iisul wasaare khayre oo ku wajahan magaalada Kismaayo Saacadaha soo socda..

admin

Wararkii Ugu Dambeeyay Ahlu Sunna oo isaga baxday Degmo ay dhawaan Qabsadeen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---