Ra’iisul wasaare khayre oo ku wajahan magaalada Kismaayo Saacadaha soo socda..

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wafdi oo hogaaminayo ayaa lagu wadaa saacadaha soo socdo in ay gaaraan Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Jubaland.

Wararka aan ka helayno Magaalada  Kismaayo  ayaa sheegaya in qaban-qaabadii ugu dambaysay ee lagu soo dhoweynayo ra’iisul wasaare khayre ay haatan si weyn uga socota gudaha Magaaaladaasi.

Sidoo kale boorar waawayn oo lagu daabacay sawirada ra’iisul wasaaraha iyo madaxwaynaha Jubbaland ayaa ku arkaysaa inta badan Magaalada Kismaayo taasina waxay muujinaysaa soo dhoweyn heerkeedu sarreeyo iyo sida looga sugayo Magaalada Kismaayo Wafdiga oo hogaaminayo Mudane Khayre.

Dhanka kale ra’iisul wasaare Kahyre ayaa la filayaa marka uu gaaro halkaasi in uu kulamo gooni gooni ah la yesho Madaxda Maamulka Jubaland oo ugu horeeyo madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Bulashada ku dhaqan Magaalada Kismaayo waxuuna kala hadli doona arrima badan oo ay kamid tahay adkaynta amniga gaar ahaan sida Al Shabaab looga saari karo gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaaliya  .

Ugu danbayntii Amaanka ayaa aad loo adkeeyay iyadoona saakay ciidamo dheeraad ah lagu arkayo magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Wixii ku soo Kordha Safarka Khayre Kala soco wararkeena danbe Insha Allah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -