Wararkii Ugu Dambeeyay Ahlu Sunna oo isaga baxday Degmo ay dhawaan Qabsadeen

Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi isaga baxeen ciidamo taabacsan kooxda Ahlu Sunna kuwaa oo degmadaasi dhawaan dagaal la’aan kula wareegay.

Dadka ku dhaqan degmada Matabaan ayaa sheegay in ciidamada Ahlu Sunna oo watay gaadiidka dagaalka ay saakay isaga baxeen gudaha Degmada ayna saldhig ka dhigteen duleedka degmadaasi.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada Ahlu Sunna ayaa ku sugan deegaan kuyaala xadka Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, waxa ayna ciidamada Ahlu Sunna halkaasi dhigteen koontarool gaadiidka lacxago looga qaadayo.

Saraakiisha ciidamada Ahlu Sunna ayaan wali ka hadlin ujeedka ay uga baxeen degmada Matabaan ee gobolka Galgaduud, waxaana degmadaasi kamid tahay goobihii Ahlu Sunna horey looga saaray.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa wali ku sugan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo dagaal la’aan kula wareegeen, waxa ayna Ahlu Sunna ku fara adeegeysaa heesashada magaaladaasi oo muhiim gaar cah u leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -