Dowlada Itoobiya oo Bur b urisay Qalabyo muhiim u ahaa Jabhada TPLF

Dowlada Itoobiya ayaa xoojisay weerarada dhinaca cirka ah ay ku qaadeyso xarumo muhiim ah ay leeyihiin Jabhada dagaalka kala soo horjeeda ee TPLF oo mar kale awood lasoo baxday.

Duqeyn diyaaradaha dagaalka Itoobiya ka fuliyeen magaalada Makalle ee caasimada gobolka Tigrey ayaa lagu bur buriyay qalab isgaarsiineed oo adeegsan jireen kooxda TPLF iyo qalab ay lahaayeen warbaahinta taageerta TPLF.

War kasoo baxay dowlada Itoobiya ayaa lagu sheegay in diyaaradahooda dagaalka duqeyn la beegsadeen xarumo muhiim u ahaa kooxda TPLF, waxa ayna dowlada sheegtay in ay bur buriyeen qalabkii isgaarsiinta  iyo Warbaahinta ay TPLF adeegsan jireen.

Dagaal xoogan iyo duqeymo u dhaxeeya ciidamada federaalka Itoobiya iyo kuwa Tigrey ayaa ka socda deegaano katirsan Waqooyiga Itoobiya, jabhada TPLF ayaana mar kale dooneysa in ay la wareegto dhul hor leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -