Sacuudiga oo daroogo culus ku qabtay rag ka soo jeeda Somalia & dalal kale

Ciidanka ilaalada xuduudaha Sacuudiga ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen rag ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Sacuudiga kuwaasoo si qarsoodi ah dalkaas ku gelinayey daroogo culayskeeda lagu sheegay hal tan iyo Rubuc ama 1,273 Kg sida warbaahinta dalkaas ay sheegeen.

Col. Musfir Bin Qanam Al-Qurayni oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada Sacuudiga ayaa sheegay inay Ilaaladda Xuduudaha dalkaas fashiliyeen qorshe lagu doonayey in noocyo ka mid ah Daroogadda laga soo geliyo xuduudka Koonfureed ee Boqortooyadda Sacuudiga la wadaagto dalka Yemen gaar ahaan gobolka Jezaan.

Xaddiga ugu badan ee daroogadda ayuu sheegay in lagu qabtay rag tiradooda guud dhan tahay 52 nin oo kala ahaa 28 Itoobiyaan ah, 15 Yemeniyiin ah, 7 Soomaali ah iyo 2 haysata dhalashadda Sacuudiga.

Hay’addaha Baarista Sacuudiga ayaa raggan hadda gacanta ku haya, iyadoo baaritaanka kadib loogu gudbinayo Maxkamaddaha dalkaas.

Sacuudiga ayaa dadka lagu qabto iyagoo daroogo gelinaya dalkaas waxaa ka yaalla sharci adag oo dhigaya in madaxa laga jaro ama la daldalo, xukunkan oo horey loogu fuliyey dad fara badan oo lagu qabtay iyagoo dalkaas gelinaya daroogo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -