Lamaane Xaflada arooskooda lagu galbiyay Digsi weyn iyo Sababta Keentay (Sawirro)

Lamaane u dhashay dalka Hindiya ayaa xaflada arooskooda waxaa ka dhashay hadal heyn badan,  kadib markii ay adeegsadeen Digsi weyn si ay uga gudbaan biyo badan una tagaan goobta uu maherkooda ka dhacayay.

Akash iyo Aishwarya oo ah lamaane ka shaqeeya goob caafimaad ayaa go’aansaday in arooskooda dhigtaan xili deegaanka ay kunool yihiin saameyn ku yeelatay roobab mahiigaan iyo daadad ku dhuftay deegaankaasi.

Muuqaalo iyo Sawirro laga soo qaaday lammaanahan oo dhex fadhiya digsi weyn oo dul sabbeynaya biyaha daadka ah ee waddooyinka ku fatahay ee koonfurta Hindiya ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada iyo Warbaahinta qaar.

Baraha bulshada dalka Hindiya ayaana si weyn loogu baahiyay muuqaal iyo sawirro laga soo qaaday lamaanahan digsiga ku dhax jira kuna sii jeeda goob macbad ah oo xaflada maherkooda ka dhacayay.

Lamaanahan ayaa isku raacay in aysan dib u dhigin maherkooda wax walbo oo dhacay, waxa ayna isku raaceen in ay is guursadaan iyada oo deegaanka ay degan yihiin ka jirto musiibo ay sababeen biyaha roobka iyo fatahaadyo.

Waxa ay sheegeen lamaanahan in markii hore ay qorsheeyeen inay sameystaan munaasabad iska yar oo ay kasoo qayb galaan dad kooban oo ka mid ah xubnaha qoysaskooda, balse hadal heynta ka dhalatay arooskooda iyo sawirradooda faafay ay u arkaan mid aad u xiiso galisay arooskooda, sababna u noqotay in ay caan noqdaan.

Arooskan ka dhacay dalka Hindiya ayaana abuuray hadal heyno badan oo bulshada dhaxdeeda ah, waxaana dad badan lamaanahan ku taageereen go’aankooda ay ku mira dhaliyeen in ay is guursadaan xili xaalad adag ay jirto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -