Ciidamada Danab oo howlgal ku dilay Cismaan Gaab iyo ilaalo la socotay

Ciidamada Xoogga dalka ayaas shaaciyey iney dileen Madaxii Al–shabaab u qaabilsanaa degaanada Awdheegle, Mubarak iyo Daarusalaam ee gobolka Sh/hoose.

Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Taliska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, ninkan oo magaciisa lagu sheegay Cismaan Gaab ayaa lagu dilay howgal Ciidan oo ka dhacay  duleedka degaanka Awdheegle.

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Generaal Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in howlgal ay ciidanka Xoogga dalka ka sameeyeen Duleedka Aw-Dheegle ay ku dileen Madaxii kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa degaanada Awdheegle, Mubaarak iyo Daarusalaam.

Generaal Odowaa Yuusuf Raage ayaa intaas ku daray in sidoo kale lala dilay ninkan rag ka tirsanaa ilaaladiisa, wuxuuna xusay in ciidamadu ay sii wadi doonaan howlgalada ay ku baacsanayaan Al-shabaab sida uu yiri inta ay cirib tirayaan dalka oo dhan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -