Ciidamada Itoobiya oo xoojiyey gulufka dagaal ee ay ku hayaan Jabhada TPLF

Ciidamada dowladda Itoobiya iyo ciidamo kale oo huwan ah ayaa wada weeraro dhulka ah oo qayb ka ah guluf milatari oo cusub kaasoo ka dhan ah xoggaga TPLF.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda, ayaa sheegay in dhibaatooyin ba’an ay gaysteen dagaallada soo cusboonaaday isla markaana xooggaga TPLF, ay joogaan dhulkii ay horey u qabsadeen iyo aagag kale oo badan.

Waan garaacaynaa TPLF ilaa aan gaadhsiino heer aysan Ethiopia halis ku noqonin” waxaa sidaas yiri  Gen. Birhanu Julla Taliyaha Guud ee Ciidamada Ethiopia.

Fallaagada ayaa gacanta ku haysa gobalka Tigray waxaana ay u tallaabeen gobalka dariska la ah ee Amxaarada halkaa oo hadda dagaallo ka socdaan.

War ay horey u soo saareen TPLF, ayay dowladda ku eedayeen in ay ku qaadday weeraro cirka ah oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Balse dowladdu kama aysan hadlin eedaymaha loo jeediyay hase yeeshee Wasiirka Difaaca dalkaasi oo war soo saaray ayaa xooggaga TPLF, ku eedeeyay in ay faafinayaan warar been ah oo ay doonayaan in ay hal mar wada sheegtaan inay yihiin dhibanayaan guushunu aaney dhinac marin.

Warar kale ayaa sheegaya in khasaaraha dagaalka labada dhinac uu aad u badan yahay, isla markaana ciidamada dowlada ay dib u qabsadeen magaalooyin ay dhowaan qabsadeen TPLF oo ku yaalla gobolada amxaarada iyo Cafarta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -