(Sawirro) Maraykanka oo taageero cusub u balan qaaday dowlada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud  ayaa kulan wadahadal ah la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee dhinaca Arrimaha Afrika, Mary.

Labada dhinac  waxay ka wada hadleen horumarka Soomaaliya ee laga gaaray doorashooyinka socda iyo arrimaha gobolka.

Dhinaca kale,Dowladda Mareykanka ayaa mar kale xaqiijisay inay ka go’an tahay inay garab istaagto dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Iyadoo manta la xusayo weerarkii argagixiso ee dhacay 14 Oct. 2017, ayaa dowladda Mareykanka waxa ay sheegtay in ay gacan ka geysaneyso sidii looga hortagi lahaa  Al-shabaab.

Maraykanka ayaa ka mid ah dalalka sida weyn uga taageera Somalia xoojinta iyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida si ay dowlada uga difaacaan Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -