RW Rooble oo si kulul uga hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa caawa ka dhacay Muqdisho

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa cambaareeyay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee caawa ka dhacay Muqdisho.

Qaraxan ayaa ka dhacay maqaahi ku taalla halka loo yaqaano saddexda Geed oo ku dhow saldhiga Booliska degmada Shingaani ee magaalada Muqdisho, ka dib markii qof isku soo xiray uu halkaas isku qarxiyey, 6 qof ayaana ku dhintay, halka dad 10 ka badana ay ku dhaawacmeen kuwaasoo dhamaantood ahaa shacab.

“Waan cambaareynayaa falka argagixisada Alshabaab ku laayeen dhallinyaro ku fiidsaneysay Muqdisho’ ayuu yiri Rooble

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu RW Rooble sheegay in falkani uu muujinayo sida Al-shabaab ay ugu ban baxday daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

“Waa bahalnimo kale oo muujineysa sida ay argagixisada uga go’an tahay ciribtirka bulshada iyo mustaqbalka dalka. Allaha u naxariisto intii dhimatay dhaawacyada Allaha bogsiiyo, eheladana Samir iyo Iimaan” ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey RW Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -