Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

AMISOM oo bogaadisay Dadkii shacabka ahaa ee ciidankooda ku laayeen Shalambood

Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda ayaa lagu eedeeyay in shalay dad shacab ah ay ku jiraan beeraley ku laayeen deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Al Shabaab ayaana weerar gaadmo ah ku qaaday ciidamada AMISOM xili ay marayeen inta u dhaxeysa Golweyn iyo Danow, waxaana weerarka kadib la sheegay in ciidamada AMISOM hal goob ku dileen 7-qof shacab ah oo ka agdhawaa halka weerarku ka dhacay.

Qoraal kasoo baxay ciidamada AMISOM laguna daabacay bartooda Twitterka ayaa lagu sheegay in ciidamada oo howlgal caadi ah ku jira weerar kala kulmeen dagaalyahano katirsan kooxda Al Shabaab uuna ka dhaawacmay hal askari.

Warka kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in ciidankooda intii is difaacida ku jireen in ay dileen 7-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab sidoo kale tiro kale dhaawaceen, waxa ay sidoo kale AMISOM sheegeen in hub  soo furteen.

“AMISOM waxay bogaadineysaa geesinimada iyo howlgalka degdegga ah ee askarteeda oo mid ka mid ah uu ku dhaawacmay”, ayaa ku xusan qoraalka kasoo baxay ciidamada AMISOM.

AMISOM ayaa meesha ka saartay in dad shacab ah ku dileen weerarkii shalay ka dhacay gobolka Shabeelahga Hoose, waxaana Gudoomiyaha deegaanka Shalambood ciidamada AMISOMN ku eedeeyay in todobo qof oo shacab ah ku laayeen halkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Garsoore uu magacaabay Trump oo ka fajiciyey Xubnaha Senateka Maraykanka

Caydiid Ali

Ruushka oo taageero waali ah u ballanqaaday dowladda Suuriya

Cabdi Cade

Al Shabaab oo shaacisay in Ciidamo Talyaani ah ku dileen Qaraxii Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---