Mahdi Guuleed oo ka hadlay xukunka badda ee ka soo baxay Maxkamada ICJ

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sheegay in Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda, ay gaartey go’aan taariikhi ah.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa intaas ku daray in Go’aanka uu noqdey sidii ay Soomaalida fileysay, kaasoo inta badan dhulka badda loo xukumay Soomaalida.

Dhul badeedkii la isku heystay intiisa badan waxaa loo xukumey Soomaaliya, iyadoo qeyb yar oo ka mid ahna loo xukumey lahaanshihiisa dalka Kenya.

Dacwaddan ayaa soo bilaabatey sanadkii 2009-kii, iyadoo kiiska dacwadda la horgeeyey Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda sanaddii 2014-kii.

Kenya ayaa horeyba u caddeysay in aanay aqbali doonin go’aanka maxkamadda ICJ iyadoo ku eedeysay maxakamadda inaysan dhexdhexaad ka ahyn dacwada kala dhaxeysa Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -