Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Wasiirada ganacsiga & A/dibeda ee Somalia & Serbia? (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas Mr. Nikola Selaković waxayna ka wada-hadleen iskaashiga dhinacyada Ganacsiga, Maal-gashiga iyo Dhaqaalaha labada dal.

Khaliif Cabdi Cumar ayaa caasimada Belgrade ee dalka Serbia kaga qeyb-gelaya shirka wadamada dhex-dhexaadka ka ah isbaheysiyada caalamka (Non-aligned movement)

Soomaaliya, waxay xiriir soo-jireen ah oo soo bilaabmay 1950kii la lahayd wadanka Serbia dalkii horey loo oran jiray Yugoslavia oo u kala go’ay dhowr dal oo ay ku jirto Serbia  waxaana dib loo hagaajiyay labada dhinac ka dib markii dowladda Soomaaliya ay dib u habeyn ballaaran ku sameysay siyaasadeeda arimaha dibadda.

Serbia ayaa si xoog leh u soo dhaweysay talaabadda Soomaliya ay ku baahinayso siyaasadeeda arrimaha dibadda iyo iskaashiga dhanka horumarka ee ay la yeelaneyso dowladaha dunidda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mashruuc si Samafal ah arraga loogu fiiqayo boqolaal qof oo ka socda Isbitaalka Dalmar

Caydiid Ali

Xildhibaannada labada Aqal oo ansixiyay dhismaha guddiga Doorashooyinka

Cabdi Cade

War Deg Deg Ah: Jawaari oo Ciidamo la galay Xarunta Baarlamaanka iyo Xiisad taagan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---