Dowlada Somalia oo Diiday qorshe AMISOM loogu beddelayo howlgal QM & Midowga Afrika

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa kasoo hor jeesatay qorshe cusub oo loo doonayo in hawlgalka ciidamada AMISOM loogu bedelo mid nabad ilaalin oo ay wadajir uga hawlgalaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowlada Soomaaliya ay kasoo horjeedo soo jeedinta ah in howlgalka ciidanka Nabad IlaalInta AMISOM loo bedelo mid Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Wasaarada Arimaha Dibadda Qoraalka kasoo baxay ayaa lagu cadeeyay in Soomaaliya ay tahay dal madax banaan, isla markaana ay  muhiim tahay in la tixgeliyo qaraarkii Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay  2568 soona baxay 2021 kaas oo ogolaanayay in Ciidamada Soomaaliya ay amniga dalka kala wareegaan Ciidamada AMISOM.

Dowlada Soomaaliya ayaana si adag u diidan qorshahan cusub ee ciidamada AMISOM loogu bedelayo QaRamada Midoobay iyo Midowga Afrika, waxa ayna dowlada dooneysaa in ciidanka Qaranka Soomaaliya si tartiib tartiib ah loogu wareejiyo amaanka dalka.

Qorshan cusub ee lagu bedelayo howlgalka Ciidamada AMISOM ayaa hadii uu dhaqan galayo waxaa laga doonayaa inay ansixiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayna aqbasho dawladda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -