Maamulka Puntland oo Galmudug ugu deeqay gaadiid dagaal & hub (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur oo shir gudoomiyey shirka Amniga Gobolka Mudug ayaa looga hadlay Iskaashiga Puntland iyo Galmudug.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa Gaadiid isugu jira 8 gaari oo kuwa dagaalka ah, gaari Ambalaas ah iyo booyad ku wareejiyey dowladda Galmudug si ay qayb uga noqdaan Dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee degaanada Koonfurta Mudug.

Shirkan ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiirka Amniga Galmudug, Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Mudug, Taliyihii hore ee Qaybta Gobolka Banaadir, Taliyayaasha Qaybaha Booliska ee Gobolka Mudug Puntland iyo Galmudug, Taliyaha Howlgalinta Ciidan PMPF, Gudoomiyayaasha Degmada Galkacyo Puntland iyo Galmdug iyo Saraakiil iyo Masuuliyiin kale.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa yiri “ Maanta waa maalin taariikhiya waxaan halkan ku wareejin 10 gaari oo isugu jirta 8 gaari oo nooca dagaalka ah qoryahooduna saaranyihiin, booyad iyo Gaariga gurmadka Caafimaadka oo aan ugu talagalnay in qayb ka noqdaan Dagaalka lagula jiro argagixisada Al-Shabaab ee Degaanada koonfurta Mudug looga xoraynayo Insha allaah waana ka guulaysan doonaa gurmadka Puntland intaa kuma eka wuuna socon doonaa“

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa uga mahad celiyey maamulka Puntland taageerada ay u muujiyeen dagaalka Galmudug kula jirto Al-Shabaab.

“Maalin kale oo taariikhi ah, waxaan maantay la wareegnay gaadiid iyo saanad ciidan oo qeyb ka noqon doona hawlgalka ka dhanka ah argagixisada Shabaab ee duulaanka ku soo qaaday qeybo ka mid ah Galmudug” ayuu yiri Fiqi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Gaadiidkan aysan ku deeqin Puntland uu qayb ka ahaa agab ciidan oo Puntland mudo dheer heysatey kuwaasoo Galmudug uga dagey dakada Boosaaso sanadkii 2016, xiligaa oo dowlad Goboleedyada dhamaantood loogu deeqay gaadiid Ciidan oo ay ugu talo gashay Dowladii Madaxweyne Xasan Shiikh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -