Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo Salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay munaasabadda salaanta calanka si loo weyneeyo Maalinta asaaska Calanka ee 12-ka Oktoobar, ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.
 
Madaxweynaha oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan maalinta qiimaha badan ee Calanka ayaa tilmaamay in ay muhiimad weyn u leedahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed maadaama oo ay ku beegan tahay markii maanta oo kale sanadkii 1954-kii la gardaadiyey Calankeenna oo ah astaan ka turjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimadeenna.
 
“Maanta waa maalin ku weyn dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Waxa ay ku beegan tahay markii 67 sanno ka hor halyey Maxame Cawaale Liibaan uu hindisay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda.”
 
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, difaaca dalkooda iyo ilaalinta danaha qarankooda, si loo ilaaliyo dhaxalka awooweyaasheenna, jiilasha danbe na loogu diyaariyo mustaqbal wanaagsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamaanka Soomaaliya oo Codka Kalsoonida siiyay Golaha Wasiirada Soomaaliya

Cabdi Cade

Antonio Guterres: “Ma ogolaan karno in waxa Gaza ka socda ay sii socdaan”

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo qaabilay wafdi uu horkacayey Mr. Mustafa Sahin Firad (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---