Mashruuc Indho fiiqis bilaash ah oo ka socda Muqdisho & qaar ka mid ah gobolada (Sawirro)

Isbitaalka taqasusiga ah ee Dalmar (Dalmar Specialist and Teaching Hospital ee magaalada Muqdisho ayaa magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka ka wada howlo isugu jira, baaritaano, daweyn iyo indho-fiiqis bilaash ah oo loo sameynayo kumanaan qof oo ka mid ah dadka barakacayaasha ah iyo kuwa danyarta ah.

Agaasimaha Isbitaalka taqasusiga ah ee Dalmar Prof.Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa sheegay in howshan samafalka ah ay soo bilaabeen todobaadyadii la soo dhaafay, ayna weli u socoto sidii loogu talo galay.

“Waxaa farxad inoo ah anagoo kaashaneyna heyadda Al-Nuur Foundation iyo heyadda kale ee dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn (MSF) inaan daryeel iyo indho fiiqis bilaash ah u sameyno barakacayaasha iyo dadka degan Sh/hoose oo illaa todobaadyo socota, taasoo ay illaa hadda ka faa’iideysteen dad ku dhow afar kun oo qof, kuwaasoo aan u sameynay, daaweyn, muraayadaha aragga iyo qaliimo casri ah oo lacag la’aan ah” ayuu yiri agaasimaha Dalmar Specialist and Teaching Hospital.

Dr. Dalmar ayaa xusay mashruuc kan la mid ah ay hadda ka bilaabeen gobolada Galgaduud iyo Hiiraan, waxaana halkaas tagaya ayuu yiri dhaqaatiirteena, si ay qaliimo iyo daweyn bilaash ah ugu sameeyaan isbitaalada Dhuusamareeb iyo Belad-weyne oo kumanaan qof lagu diyaarinayey todobaadyadii la soo dhaafay.

Howshan samafalka ah waa mid joogto ah oo heyadda Al-Nuur Foundation ay u qabaneysay bulshada Soomaaliyeed mudadii 20ka sano aheyd ee la soo dhaafay, waana sii wadi doonaa Insha ALLAH” ayuu yiri Dr. Dalmar.

Agaasimaha Isbitaalka taqasusiga ah ee Dalmar Prof.Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa u mahad celiyey heyadaha gacanta ka geysanaya fulinta Mashruucan oo ay ka mid yihiin, Al-Nuur Foundation, MSF iyo Wasaaradaha Caafimaadka ee dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed oo noo fududeeyey tas’hiilaadka aan u baahanahay, sidoo kale waxaan u mahad celinayaa ayuu yiri Dr. Dalmar Isbitaalka Fiqi ee ku dhow degaanka Ceelasha biyaha oo qaliimada qeyb ka mid ah laga waday.

Qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah iyo kuwa danyarta ah ee sida bilaashka ah uga faa’iideystay mashruucan samafalka ah ayaa sheegay in loo sameeyey daweyn iyo qaliimo ay u baahnaayeen indhahooda, aysana jirin wax qarash ah oo laga qaaday, iyagoo u mahad celiyey maamulka isbitaalka taqasusiga ah rr Dalmar iyo heyadihii kale ee gacanta ka geystay howshan oo weli si habsami leh u socota, lana soo gebagebeyn dooo dhowaan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -