Uhuru Kenyatta oo Maanta Shir Guddoominaya Golaha Ammaanka, Kana Hadlaya…

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo booqasho labo maalin ah ku jooga xarunta qaramada midoobey ee New York ayaa maanta oo talaado ah lagu wadaa inuu shir guddoomiyo golaha ammaanka oo ah hey’adda ugu awoodda badan qaramada midoobey.
 
Uhuru Kenyatta ayaa khudbad uu maanta golaha ammaanka ka jeedin doono waxaa uu ka hadli doonaa kala duwanaanshaha, dhismaha dawladnimada iyo nabadda gaar ahaan geeska Afrika sida Soomaaliya iyo Itoobiya.
 
Arrintan waxaa ay imaaneysaa kadib markii dalkiisu uu January 1 ee sanadkan noqday xubin aan jooga aheyn ee golaha ammaanka, bishan October-na uuba golaha madax ka yahay.
 
Shalay ayey aheyd markii madaxweyne Kenyatta uu xarunta qaramada midoobey kulan gaar ah kula qaatay xogheyaha guud ee ururka Antonio Guteress isaga oo uga warbixiyey xaaladda gobolka oo ay ku jirto dagaalka Tigreyga.
 
Khudbadda Uhuru Kenyatta ayaa ku aadeysa iyada oo hey’ad ka tirsan Qaramada Midoobey oo ICJ ah ay kala xukmin doonto dalkiisa iyo Soomaaliya, go’aankaas oo fulintiisa laga doonayo hey’adda uu maanta madaxweynaha u yahay ee golaha ammaanka.
 
Waxaa galabta 4-ta xilliga Muqdisho loo balansan yahay dhageysiga gunaanadka kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya kaas oo soo jiitamay tan iyo 2014-kii.
 
Maxkamadda Cadliga adduunka ee ICJ ayaa lagu wadaa iney soo saarto go’aan kama dambeys ah oo ku aadan kiiska iyada oo natiijada noqon doonto mid ay ku khasban yihiin dhinacyada.
 
W/Q Gurbiye

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -