Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Deni & danjire Donald Yamamoto? (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo wafdi uu hoggoominayo oo booqasho ku tegay Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, waxay ka wada hadleen arrimo ay ka midyihiin xiriirka Mareykanka iyo Puntland, la dagaalanka argagixisada, xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya, dhaqaalaha iyo deyn cafinta Soomaaliya.

Deni ayaa uga mahad celiyey dowlada Maraykanka taageerada ay siiso Somalia gaar ahaan dhinacyada amaanka, siyaasada iyo arrimaha gargaarka wuxuuna warbixin ka siiyey xaalada guud ee Puntland.

Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa dhinaca ka mahad celiyey sida loogu soo dhoweeyey Boosaaso, isagoo dhinaca bogaadiyey horumarka ay ku talaabsatay Puntland, wuxuuna balan-qaaday in Maraykanku xoojin doono taageerada uu siiyo Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay qarax Khasaaro geestay oo saakay ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Sidee Messi iyo xulka Arjentina loogu soo dhoweeyey dalkooda hooyo? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---