Madaxweyne Trump oo si dhuumasho ah ku galay Aqalka Cad isaga oo Jahwareersan

Madaxweynaha laga guuleestay ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa lagu soo waramayaa in xaalad Jahwareer ah ku jiro kadib markii la shaaciyay in looga guuleestay doorashada Madaxweynaha.

Donald Trump ayaa si weyn uga soo horjeestay guusha la sheegay in doorashada uu ka gaaray Musharaxii la tartamayay ee Joe Biden, waxa uuna sheegay in wali aysan dhamaan tirinta codadka isagoona dhaleeceeyay Joe Biden.

Madaxweynaha Mareykanka ayaana aaday goob lagu ciyaaro ciyaarta Golf-ka si uu isaga baabi’iyo jahwareerka lasoo darsay, waxaana Trump markii uu kusoo laabanayay aqalka cad ku galay si dhuumasho ah isagoo ka galay albaab meel gees ah kuyaala.

Kolonyadii gaadiidka ee la socday Madaxweyne Trump ayaa markii Aqalka cad galayeen la sheegay in ay ku buuqeen ayna foodeeyeen dad isugu soo baxay guusha doorashada ka gaaray Joe Biden.

Guuldarada kasoo gaartay doorsahada Madaxweyne Trump ayaana keentay in si weyn looga maadeesto baraha bulshada, waxaana lasoo galiyay baraha bulshada Muuqaalo iyo sawirro looga maadeesanayo Madaxweyne Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -