Dilal qorsheysan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho & degmada Afgooye

Kooxo hubeysan ayaa askari ka tirsan ciidanka booliska iyo Maamule iskuul siyaabo kala gooni ah ugu dilay magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Dilka askariga Booliska ah ayaa ka dhacay Wadada Taleex agagaarka Ex-carwadii hore ee degmada Hodan, waxaana goobta ka baxsaday dableyda dilka geysatay.

Dhinaca kale, degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose  waxaa lagu dilay Maamule Iskuul gaar loo leeyahay oo ku yaalla degmadaas.

Kooxo ku hubeysn Bastoolado ayaa la sheegay inay gudaha u galeen Iskuulka Daarul Amal ee degmada Afgooye, waxayna kala soo baxeen maamulaha Iskuulka oo kadib ay ku toogteen iskuulka bannaankiisa.

Ninka Maamulaha ah ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cumar Mahad Cabdulle, iyadoo aan la ogeyn sababta dilkiisa ka dambeysay iyo cidda dilkaasi geysatay, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka geysatay.

Dilalka loo geysanayo maamuleyaasha iskuulada ayaa muddooyinkan soo badanayey, xalay ayeyna aheyd markii degmada Yaaqshiid lagu dilay nin kale oo maamule ka ahaa iskuul ku yaalla degmadaas, waxaana ka sii horeeyey labo maamule iskuul oo iyana isla degmadaas lagu qaarajiyey todobaadyo ka hor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -