Madaxweyne Qoor Qoor oo shir xasaasi ah Gudoomiyay Baaqna u diray Ahlu Sunna (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada Galmudug oo xalay ka dhacay Xarunta Madaxtooyada DGM.

Kulanka ayaa diirrada lagu saaray qodobo ay ka mid ahaayeen

• Xaaladda guud ee Amniga Galmudug
• Arrimaha Doorashooyinka

Dood iyo falanqayn dheer kadib Golaha wasiiradu waxay soo saareen qodobada soo socda.

1. Golahu wuxuu go’aamiyay in la dardargeliyo Suggida Amniga iyo xasiloonida Galmudug,

2. Golahu wuxuu ugu baaqay kooxaha ku howlan falalka amni daro inay ka waantoobaan, damacoodana ay ku doonaan si nabad ah.

3. Golahu wuxuu soo saaray in la dardargeliyo howlaha doorashooyinka ayadoo loo gudbiyay dhinacyada ay khuseyso in ay gutaan waajibaadkooda.

- Advertisement -