Dabaaldegyo waaweyn oo ka socda Magaalooyinka dalka Itoobiya (Sawirro)

Magaalooyin badan oo ka tirsan dalka Itoobiya waxaa ka socda dabaaldegyo waaweyn oo lagu soo dhoweynayo heshiiska ay magaalada Adis ababa RW Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

Heshiiska ayaa dhigayey in Itoobiya laga kiro ahaan loo siiyo dhul badeedka cas ee saaaran Somaliland, taas bedelkeedna ay Itoobiya aqoonsato Somaliland.

Heshiiskan ayaa waxaa si weyn uga carooday dowlada  Somalia iyo shacabka Soomaaliyeed intooda badan oo u arka inuu xad gudub ku yahay madax banaanida iyo qaranimada Somalia.

Shacabka Itoobiya ayaa markii uu heshiiskaas soo baxay bilaabay fantasiyeyaal iyo dabaaldegyo ay ka dhigayaan wadooyinka iyo goobaha lagu kulmo, iyagoo soo dhoweynaya in dalkooda uu markii ugu horeysay 30 sano ka dib helay dhul Badeed.

Itoobiya ayaa muddo dheer ku taameysay iney bad ka dib markii dhul badeedkii dalkaas uu lahaan jiray ay yeelatay Eritreya oo dalkaas ka go’ay 30 sano ka hor, waxaana mudadii intaas ka dambeysay uu dalkaas noqday dal xiran oo aan bad laheyn.

Khubarada ku xeel arrimaha geeska Afrika ayaa aaminsan ineu adkaan doonto dhaqanka heshiiskan, maadaama Soomaalida guud ahaan ay xasaasiyad badan ka qabaan Itoobiya oo horey colaado adag ay u soo dhexmareen.

- Advertisement -