Allbanaadir.com
NEWS

Xukun Dil ah oo lagu fuliyay nin lagu eedeeyay in uu faraxumeeyay Wiil 5-sano jir ahaa

Xarakada Al Shabaab ayaa mar kale goob fagaare ah ku toogatay labo nin oo eedeymo kala duwan loo soo jeediyay, waxaana ragan la dilay Al Shabaab gacanta ugu soo dhigeen siyaabo kala duwan.

Fagaare kuyaala deegaanka Kamsuuma ee gobolka Jubada Hoose ayaa lagu toogtay labadan nin ee xukunka dilka ah lagu fuliyay, waxaana fagaaraha dilka ka dhacayay ku sugnaa dadweyne badan iyo xubno katirsan Al Shabaab.

Qaadiga Maxkamada Al Shabaab ee xukunka riday ayaa labadan nin ee la toogtay mid kamid ah ku eedeeyay in uu faraxumeeyay wiil yar oo 5-sano jir ah halka midka kalana lagu eedeeyay in uu katirsanaa ciidamada Jubbaland.

Raga la toogtay ayaa kala ahaa Cabdullaahi Ooyow Mayaane oo 20 jir ahaa kuna eedeeyeen Al Shabaab in uu faraxumeeyay Wiil 5 Sano jir ahaa iyo Cabdullaahi Maxamed Faarax oo 24 jir ahaa, kaas oo ay sheegeen in uu ka tirsanaa Ciidamada  Jubbaland.

Al Shabaab ayaa daraad sidaan oo kale xukun dil ah ugu fulisay labo nin iyagana ku eedeeyeen in midkood katirsanaa ciidamada maamulka Jubbaland halka kana kalana uu ahaa nin lagu eedeeyay in saaxiir uu ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Xasan Shiikh oo qaabilay Martin Griffiths & xubno la socday

Caydiid Ali

Midowga Musharaxiinta oo shaaciyay ineysan Farmaajo u aqoonsaneyn Madaxweyne

admin

Meydka Haweeney la toogtay oo saakay lagu arkay Xaafad katirsan Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---