Wasiir Xassan Shire Abgaal: “Qofkii diida bixinta canshuurta waa Al-Shabaab”

Wasiirka Maaliyadda Puntland Xassan Shire Abgaal ayaa sheegay in qof kasta oo si sharci daro ah u diida canshuurta ay u aqoonsan doonaan inuu yahay Al-Shabaab.

Xassan Shire Abgaal oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa hadalkan jeediyey xili uu fariin u dirayey macalimiinta iskuulada Puntland oo diiday in mushaharkooda laga jaro canshuurta maamulka.

“Waxaan u sheegayaa maamulada iskuulada iyo macalimiinta in qofkii diida canshuurta uu noola mid yahay Al-shabaabka masaajidka dadka ku dilaya, waayo askariga difaaca kaga jira buuraha markii la waayo canshuurta mushahar ma helayo, waxaana sababay ninka canshuurta diiday, Maxay ku kala duwan yihiin Marka” ayuu yiri Wasiirka.

Xassan Shire Abgaal ayaa uga digay macallimiinta ineysan ku dhaqaaqin gadood abuuri kara in iskuuladu xirmaan, wuxuuna ugu hanjabay in macalinkii talaabadaas ku dhaqaaqa ay ka qaadi doonaan talaabo sharci ah.

“Ragga Macalliminta ah ee hadda wada gadoodka lagu diidayo canshuuraha waa noo qoran yihiin magacyadooda, haddii hal iskuul loo xiro sababtaas awgeed  sharcigaa la horgeynayaa” ayuu yiri Wasiirka Maaliyada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -