Muxuu Axmed Madoobe kala hadlay Guddiyada doorashada FEIT & SEIT Jubaland? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane  Ahmed Mohamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada Kismaayo ku marti qaaday Guddiyada doorashooyinka heer Federaal iyo heer Jubaland ee dhawaan soo gabagabeeyay doorashooyinka labada deegaan ee Jubaland.

Madaxweynaha ayaa xubnahan uga mahad celiyay shaqadii adkayd ee ay soo qabteen taasoo muhiim u ahayd dhismaha Dowlada Cusub ee dalku uu dhawaan yeelan doono lagagana gudbayo marxaladan adag ee hada uu dalku ku jiro.

Waxaa kale oo munaasabadan Madaxweynaha ku wehelinayay labada Madaxweyne ku xigeen iyo gudoonka baarlamaanka iyo masuuliyiinta labaad heer ee Guddiyada doorashooyinka dalka.

- Advertisement -