Ma ku saxnaa Farmaajo xilka ka qaadista Sarkaal labo cisho ka hor iscasilay?

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan baarlamanka Somalia, si weyna u dhaliila hab dhaqanka madaxda dalka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay qaabka Madaxweyne farmaajo xilka uga qaaday taliye ku-xigeenkiii ciidanka Xoogga dalka Jen, Maxamed Cali Bariise oo markii dambe sheegay inuu is casilay xilka ka qaadista ka hor.

Mahad salaad ayaa talaabada madaxweynaha ku tilmaamay mid munaafaqnimo ah oo ku habooneyn hab dhaqanka dowladnimo, wuxuuna bayaaniyey jidadka madaxweynaha u furnaa markii uu iscasilaada soo gudbiyey taliye ku-xigeenka xoogga dalka.

Hoos ka akhriso qoraalka Mahad salaad oo dhameystiran:-

Madaxweyne mansabka ummadda aad u hayso iyo magacii Alle ee aad ku dhaartay midna ma aadan dhowrin!

Sida ku cad Qodobka 90aad dastuurka Madaxweynahu waa Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida. Wuxuuna magacaabaa Taliyeyaasha Ciidammada Heer Federaal, xilkana waa ka qaadayaa markii ay soo jeediyaan Golaha Wasiirradu.

Sidoo kale sida ku cad Qodobka 126aad ee dastuurka Ciidammada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya xilkoodu waa ilaalinta gobannimada iyo madaxbannaanida Dalka iyo difaaca midnimada dhuleed. Lamana siyaasadeyn karo shaqada naftoodhurnimada ah ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay u hayaan.

Sida ku cad Dastuurka KMG ah afar wadiiqo midkood ayaa qofka mas’uulka ah xilka ama jagada uu ku magacaaban yahay uu ku banay karaa ama ku waayi karaa:

1. In uu geeriyoodo.
2. In uu istiqaalad soo gudbiyo, lagana oggolaado.
3. In ay la soo gudboonaato xaalad xilgudasho la’aaneed oo joogto ah.
4. In xil ka qaadis lagu sameeyo.

Taliye Xigeenka Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) Gen Maxamed Cali Bariise wuxuu waraaq iscasilaad ah u qoray Madaxweyne Farmaajo 18kii bishaan, isagoo ku sababeeyay iscasilaadiisa marxalada adag ee CXDS ku suganyahay iyo faragelinta siyaasadeed ee shaqada ciidanka lagu hayo.

Madaxweyne Farmaajo labo mid in uu yeelo ayaa u furneed: In uu ka aqbalo iscasilaada sidaasna ku shaaciyo istiqaalada taliyaha. In uu ka diido kuna amro in uu shaqadiisa sii wato, kalana shaqeeyo taliyaha sidii loo xalin lahaa mushkilada heysata maadaaba isagu uu yahay Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida. Labadaas midna ma yeelin ee Madaxweynuhu labo maalmood kadib ayuu Facebook giisa ku soo qoray in uu xilka ka qaaday taliyaha si tayeyn iyo qaabeyn loogu sameeyo CXDS.

Madaxweyne Farmaajo waa markii boqolaad ee uu ka been sheegayo mansabka ummadda uu u hayo iyo magacii Alle ee uu ku dhaartay in uu xilkiisa u gudanaayo si daacad ah oo danta dalka, dadka iyo diintu ku jirto, dhawrayana Dastuurka qaranka iyo shuruucda kale oo dalka u yaalla. Waana sifo ka mid ah sifooyinkii Rasuulkeena Suuban NNKH nooga digay. Qofka la yimaadana lagu sheegay sifooyinka ama calaamadaha MUNAAFIQA:

1. Haduu kuu sheekeenaayo been ayuu kuu sheegayaa (إذا حدث كذب). 2. Hadii aad balantaan balanka ayuu kaaga baxayaa (وإذا وعد أخلف). 3. Hadii aad aamintana wuu ku qiyaamayaa (وإذا اؤتمن خان)

Alle ayaan ka magan galnay. Mudane Madaxweyne wali rajo ayaan kaa qabnaa waxaan kuu soo jeedinaynaa in aad isdabo qabato inshaa’allah.

Mahadsanid.
Hon. Mahad Salad

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -