Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Fagaare ku toogtay Labo Nin oo Dambiyo kala duwan ku eedeeyeen

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa fagaare kuyaala degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose ku toogtay labo nin oo ay ku eedeeyeen dambiyo kala duwan kuwaa oo siyaabo kala duwan ay usoo qabteen.

Fagaaraha dilku ka dhacayay ayaa waxaa isugu soo baxay dadweynaha ku dhaqan Jamaame oo lagu wargaliyay fulinta xukunka dilka ah, waxaa sidoo kale fagaaraha joogay saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Qaadiga Maxkamada xukunka riday ayaa sheegay in labadan nin mid kamid ah uu ahaa askari katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya halka midka kalana lagu eedeeyay in uu ahaa nin sixirka ku shaqeysta.

Al Shabaab ayaana sheegtay in baaris dheer kadib dambiyada lagu eedeeyay ay ku cadaatay Cabdullaahi Xassan Cumar oo  lagu eedeeyay in uu ahaa sixiroole iyo Maxamad Mowliid Aadan oo isna Al Shabaab ku eedeeyeen  in uu ka tirsanaa Booliiska Jubbaland.

Xukuno dil ah ayaa Al Shabaab horey ugu fulisay dad badan ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen jawaasiis iyo kuwa katirsan dowlada, waxa ay sidoo kale Al Shabaab  xukuno dil ah ku fulisay dad ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen saaxiriin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saraakiisha ciidanka Xoogga oo la kulmay Shacabka ku dhaqan Ceeldheer (Sawirro)

Cabdi Cade

Mid kamid ah Dowladaha Islaamka oo shaaciyay in beri aysan soon u aheyn

Cabdi Cade

Caro ka dhalatay Nin qaba Cudurka Aids oo xoog looga saaray Isbitaal (Daawo Sawirada)

admin
Taboola Ads ---