Cabsi bambaano oo jahwareer xooggan ka abuuray garoonka diyaaradaha OR Tambo

Ciidamada booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa baaritaano ka bilaabay garoonka diyaaradaha OR Tambo ee magaalada Johhanesburg , kaddib markii ay soo baxeen warar been abuur ah oo la xariira in bambaano garoonka taal.

Duulimaadyadii garoonka diyaaradaha OR Tambo ayaa hakad galay muddo saacado ah shalay galab oo Arbaco, waxaana garoonka si weyn uga howlgalay ciidamada booliiska oo adeegsanaya eeyaha waxyaabaha qarxa baaraya.

Maamulka garoomada diyaaradaha ee Koonfur Afrika (ACSA) ayaa sheegay in ay daad gureeyeen rakaabkii iyo shaqaalihii ka shaqaynayay garoonka, kaddib markii ay heleen digniin ka timid qof aan magaciisa la sheegin.

Qofka aan la magacaabin ayaa sheegay in ay jirto khatar bambaano qaybta ay diyaaradaha gudaha ka soo dagaan, waxaana hakad galay shaqadii garoonka ka socotay markii uu warkan soo baxay.

Shaqada garoonka diyaaradaha OR Tambo ayaa xalay dib u bilaabatay, waxa ayna laamaha ammaanka sheegeen in warka bambaanada ah ee la sheegay uu ahaa mid been abuur ah oo la faafiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -