Xildhibaano badan iyo Siyaasiyiin safka ugu jira la kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawwaan soo magacaabay Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka, waxaana hada socda xulida xubnaha la filayo in ay kmaid noqdaan golaha wasiiradda xukuumadda cusub.

Xildhibaano badan iyo siyaasiyiin caan ah ayaa habeen iyo maalin mashquul ka dhigay xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya kuwaa oo doonaya in ay la kulmaan madaxweynaha si ay uga qalqaalsadaan in uu wasiirro ka dhigo.

Sida aan xogta ku heleyno xildhibaanada madaxweynaha xilka ka raadinaya ayaa u badan kuwa katirsanaa xisbigiisa iyo kuwa kale oo intii uu socday ololaha doorashada Madaxweynaha ka ballanqaaday in uu wasiiro ka dhigayo haddii uu guuleesto.

Waxaa sidoo kale iyana jira siyaasiyiin caan ah oon  hada katirsaneyn baarlamaanka horeyna xilal kala duwan usoo qabtay oo iyana raadis ugu jira madaxweynaha si uu xilal uga siiyo xukuumadda cusub.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in suurto gal aheyn in Madaxweynaha xukuumadda kuwada daro xildhibaano badan uu horey ugu ballanqaaday in wasiiro ka dhigayo intii olalaha socday, waxaana meesha ka bixi doona oo mucaarad isku bedeli doono xildhibaano hada muxaafid ah.

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa wararku sheegayaan in xildhibaanada inta badan uu hada la kulmay uusan u deyrin, waxa uuna marka hore ka codsaday in Ra’isul Wasaaraha magacaaban la meel mariyo kadibna qeyb ka noqon doonaan golaha wasiirada.

Xildhibaano badan oo hada aamusan misana rejo ka qaba in xukuumadda cusub kamid noqdaan ayaa la filayaa in la arko iyaga oo mucaarad isku bedelay oo dhaliilaya hab dhaqanka iyo siyaasadda Madaxweynaha iyo xukuumadda cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -