Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tartanka Kubada cagta degmooyinka gobolka Banaadir oo galabta furmay (Sawirro)

Guddoomiye Ku-xugeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed  Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka ayaa si rasmi ah u daahfuray tartanka xiisaha badan ee kubada Cagta Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir.

Furitaankan tartankan oo ka dhacay garoonka Stadium Eng Yariisoow ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan DFS, iyo boqolaal dadweyna ah oo ka kala socda qeybaha Muqdisho.

Tartanka Kubadda Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir oo ah mid aad u xiisa badan ayaa sanad kaste mar la qabtaa, kaasoo ay u soo daawasha tagaan kumanaan dadweyna ah oo ka kala socda qeybaha Gobolka.

Kooxda Degmada Balcad iyo Kooxda Degmada Dharkeynley oo difaacaneysa koobkan ayaa tartankan lagu furay, kuwaasoo garoon Stadium Eng Yariisoow kusoo bandhigay ciyaar xiisa badan, waxana 3-0 ku adkaaday Dharkeynley.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo wareegto ku Magacaabay xil cusub

Caydiid Ali

Masuuliyiin iyo Taliyaal maanta dhiiro-gelin ugu tagay ciidanka Haramcad (Sawirro)

Cabdi Cade

Qoor Qoor iyo Xaaf oo isku arkay xalay Munaasabad ka dhacday Dhuusomareeb (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---