Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Xildhibaano katirsan Hirshabelle oo lagu dhaawacay Jowhar iyo Al Shabaab oo ka hadashay

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabelle ayaa ku waramaya in xalay saqdii Dhaxe qarax miino lagu weeraray labo Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabelle.

Xildhibaanada oo lagu kala magacaabayay Maxamed Cabi Cali (Maxamed Dheere) iyo Cabdiraxman Cabdi Iidow (Kheyre) ayaa qaraxa lala beegsaday xili ay kasoo baxeen xaflada ka socotay Jowhar ayna kusii jeedeen guri ay degnaayeen.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan oo ahaa mid miino ayaa lala eegtay labadan Xildhibaan xilli ay ku lugeynayeen meel u dhaxeysa xarunta shirkadda biyaha ee Farjanno iyo saldhiga Booliska magaalada Jowhar  abbaaro labadi habeennimo.

Dhaawacyada Xildhibaanada ayaa loola cararay isbitaal kuyaala magaalada Jowhar, waxaana ciidamada booliiska maamulka Hirshabelle bilaabeen baaritaano ku aadan qaraxan miino ee lagu dhaawacay labada Xildhibaan.

War kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegteen masuuliyada qaraxan miino ee xalay saqdii dhaxe lagu dhaawacay labadan Xildhibaan ee katirsan Baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo ka hadashay weerarkii khasaaraha geestay ee ka dhacay Imaaraadka

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo wareejiyay furaha guri 30-sano xoog lagu heestay (Sawirro)

Cabdi Cade

Taliyaha ciidamada ilaalada Madaxtooyada Puntland iyo kuxigeenkiisa oo la magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---