Facebook, WhatsApp iyo Instagram oo aan shaqeyneyn meelo ka mid ah caalamka

Facebook, WhatsApp, Instagram ayaan shaqeyneynin meelo badan oo ka mid ah caalamka ka dib markii ay soo wajahday cilad.

Seddaxdan Application oo shirkadda Facebook ay wada leedahay ayaa wadaaga kaabayaal isku mid ah iyadoo meelo ka mid ah caalamka ka shaqeyn waayey illaa 5:00 galabnimo ee maanta.

Somalia ayaa ka mid ah meelaha sida weyn caawa looga dareemayo cilada ku timid Facebook, WhatsApp iyo Instagram

Dadka ayaa markii ay Facebook booqdaan la kulmaya culays marka dambe ku dhamaada meel cidlo ah.

Qoraal kooban oo ay soo goor dhow soo saartay Shirkadda Facebook ayay ku sheegtay inay ka shaqeynayaan sidii dib ay hawada ugu soo celin lahayeen adeegyadooda.

Whatsapp ayaa iyana ku qortay barta Twitterka “Waxaan la soconnaa in dadka qaar ay dhibaato kala kulmayaan barnaamijyada WhatsApp xilligan. Waxaan ka shaqeyneynaa inaan wax walba caadi ku soo celinno sida ugu dhaqsaha badan”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -