Khilaafkii ka taagnaa Maamulka G/Hiiraan oo ugu dambeyn la soo afjaray (Sawirro)

Khilaafkii ka taagnaa xilka qaadistii lagu sameeyey guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa ugu dambeyn la soo afjaray sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya magaalada Belad-weyne.

Waxaa khilaafkan uu sababay in muddo bil ah aysan Shaqeyn xarumaha Maamulka gobolka Hiiraan.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabeelle iyo siyaasiyiin kale oo ku howlanaa xalinta xiisadaas ayaa ugu dambeyn ku guuleystay in guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Dabageed uu ogolaado inuu xilka wareejiyo.

Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraale ayaa shalay la wareegay Xarumaha Maamulka, isaga iyo ku-xigeenadiisa kadib wadahadallo maalmahaan ka socday magaalada Baladweyne.

Sidoo kale, xalay waxaa Baladweyne kulan ku yeeshay Gudodomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo guddoomiyaha Cusub, iyagoo halkaasi ku dhameeyay waxyaabihii sababay in xilka uu wareejin waayo Yuusuf Dabageed.

Xalinta xiisadaan ayaa waxaa soo dhaweeyey qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magalada Baladweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -